Guddiga Doorashada Soomaaliya oo sheegay in ay soo xulaayaan ergooyinkii Xildhibaanada dooran lahaa

0

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka  dalka ayaa sheegay in ay diyaarinayaan Ergooyinkii Soo xulilahaa xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Soomaaliya.

Gudoomiye Guddiga Hirgalinta doorashooyinka dadban ayaa sheegay in ay guddigu ku jiraan qaban qaabadii ugu dambeeysay ee soo xulista Ergooyinka Soo dooranaya xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Abukaato Cumar Maxamed Cabdulle ayaa sidoo kale Meesha ka saaray wararka sheegaya in xildhibaanada Baarlamaanka aysan soo dooran doonin 51 xubnood , waxa uuna sheegay in 51 xubnood ay soo dooran doonaan Xildhibaan kaste xildhibaanada Aqalka sare.

Waxa uu sheegay in qaban qaabada ay sidoo kale ka socoto qaar ka mid ah gobolada dalka .

Doorashada xubnaha Aqalka sare ee dalka waxa ay  dhacayso 25 September sidoo kale Doorashada Xildhibaannada waxay dhacaysaa 24 September-10 October ee Sanadkaan 2016

Doorashada Gudoomiyaha Barlamaanka   waxa ay dhici  doonta 25 October , Sidoo kale Doorashada Madaxweynaha JFS   Waxa ay dhacayso 30 October ee Sandkan.