Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo ka takhalusay mid ka mid ah Wasiiradiisa

0

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim jong-il, ayaa amar ku bixiyay in la dilo ku xigeenka R/wasaraha dhinaca Tacliinta dalkaasi, kadib markii uu ixtiraami waayay kulan Madaxtooyada Beyong-Yaang ka dhacayay.

Masu’ul ka tirsan Xukuumadda Kuuriyada koonfureed, ayaa Wakaladda Wararka Islaamka Iina u sheegay  in Hogaamiyaha da’da yar ee Waqooyi Kuuriya uu khasab uga dhigay  masu’uliyiinta dalkaasi marka uu la kulmayo inay u khashuucan, balse Wasiirka la dilay uu isagu arrintaasi ka madax adeegay, waxana lagu dhuftay qoriga Baasuukah loo yaqaan.

Tan iyo sanadkii 2011kii oo ku aadaneyd markii uu hogamiyaha waqooyiga Kuuriya aabihii geeroyooday uu xukunka ka dhaxlay, waxaa uu dil ku fuliyay masuuliyiin bdan oo ka tirsan Xukuumdda Beyong-Yang.