Hogamiyiha Kooxda Boko Haram oo dhaawac halis ah la gaarsiyay

0

Meleteriga dalka Nigeria, ayaa maanta shaaciyay in Hogaamiyiha Kooxda xagjirka ah ee Boko Haram Abubakar Shekau Duqeyn Cirka ah lagu gaarsiyay Dhaawac halis ah,halka qaar kale  oo ka mid ah kooxdaasi mayalka adagna lagu dilay duqeyntaasi ka dhacday  waqooyiga Nigeria.

Afhayeen u hadlay Mileteriga Nigeria  oo lagu magacabo Sani Cusmaan ayaa bayaan uu gaarsiyay Wakaaladda Wararka fransiiska  ku sheegay in Abubakar Shekau uu dhaawiciisu halis yahay,halka Saddex kale oo  horjoogayaasha kooxdaasi ka mid ahna lagu dilay Duqeyn lagu fuliyay hawdka halka lgu mgacaabo Sambiza.

Dhaawaca la gaarsiyay Hogaamiyaha kooxda Boko Haram, ayaa ku soo beegantay xilli Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka uu booqasho ku marayo dalka Nigeria, isagoo masuulyiinta dalkaasi kala hadlayo kordhinta la dagaalanka kooxda Boko Haram.

Mileterig Nigeria ayaa  marar badan waxa ay sheegeen in la dilay Abubakar Shekau, balse uu shaashadaha Caalamaka uu ku soo muuqday.