MAQAAL: Xubnaha S/land uga qayb gelaya Aqalka Sare yaa soo xuli doona? W/Q:Maxamed Caalim

0

Madaxweynaha dawladda Faderaalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ku doodayaa in arrimaha gobalada Sool, Sanaag & Cayn loo baahan yahay in ay kala qeybsadaan Puntland & Somaliland.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ku doodaaya in Xildhibaanada aqalka sare u matali lahaa Gobalka sool iyo Cayn lagu biiriyo kuwa Puntland, waxa uuna Gaas sheegay in sharci ahaan Gobalada sool iyo cayn ay hoostagto maamulka Puntland.

Taas oo ay si adag u diiday Dawladda Puntland oo sheegtay in xataa haddii laga hadlo ay masuuliyada wixii ka dhasha qaadi doonto dawladda Faderaalka ee Soomaaliya
Dood Weyn ayaa Furan oo ah inaanay soomaalidu wali habka deegaanka waxba ku qayb san karin.

Waxaa sidee awood Qayb siga Doorashada 2016 kadib waxaa soo socda shan xil oo lagu qayb san Doono si siman arinkaa maxaad kala socotaa?

Xilalka ugu sareeya Dowladda Federal-ka ee Soomaaliya 2016

1- Madaxweynaha?
2- Guddoomiyaha Golaha sare ee Odoyaasha?
3- Guddoomiyaha Baarlamaanka?
4- Ra’isul Wasaaraha?
5- Guddoomiyaha Maxkamdda ?

Xilalkaas Sare ee Dowladda Federalka waxaa afartii sano ee madaxweyne xasan sheekh xilka hayey iyo waqtigii ka horeeyey ee kumeel Gaarka ahayd isku beddelaayey Beelaha 4.5 ta ah, oo iyaga isku magacaabay inay ugu tiro badan yihiin, waxayna ka bixi waayey khilaaf dhexdooda ah, taasoo laga dhaxlay dib u dhac siyaadadeed.

Hada hadii awooda loo qeybiyo shanta Hay’adaha ee sharci dajinta hab Qaybsiga shabta beelood ee soomaaliyeed malagayaabaa in la helo daganaasho siyaasadeed.oo waarta.
Anigu Doorashadan 2016 Rajawanaagsen ayaan ka qabaa. In Habka Qabiilka wax lagu xaliya.

Inta Dadka soomaaliyeed ka helayaan Daganaasho waarta wali colaada qabiilku way socotaa. Wali Way adag tahay in la hergaliyo Doorasho degaan ku dhisan.

Maxamed Caalim
Caalim68@hotmail.com