MAQAAL:Cunta qaybinta la yaabka leh ee Gobolka GedoG (Gedo Ridiculous food distrupiation)

0

Waxaa waayadaan laysla dhexmarayey cuntadii gargaarka ee Dawlada Turkigu ugu deeqday Soomaaliya qaybtii G/Gedo oo kumanyaal kiintaal ahayd in la geeyey magaalada Kismaanyo ee xarunta u ah maamulka Jubalaandi ee G/Gedona ka mid ka yahay. Waxaa saxaafadu soo bandhigtay ayyada oo lagu iibinaayo suuqyada ganacsiga ee magaalada kismaanyo.

Wasaarada Arimaha gudaha oo sidii loo qaybiyey kaalmadaas sharaxdayna waxay sheegtay in musuulinta maamulada ay u gacangelisay mid kasta qaybta ku soo aaday,arintaas oo wasaaradu uga golahayd in eeda raashinkaas wasaaradu meel iska saarto,waana sida nidaamku yahay laguna qanci karo mar Haddii ayyan masuuliinta Maamul goboleedyadu ayyagu dood ka soo celin.

03/08/16 waxaa warbaaxinta kala duwan ee dalku faafisay in maamulka jubalaandi wafti ka socday ee soo gaarey magaalada Dooloow ay beeniyeen in raashinkaas lagu iibiyey suuqyada Kismaanyo qayb ka mid ahna ay ayyagu wadaan.

Haddaba waxaan is weydiiyey waa hubaal in aan raashinkaas dhulka la soo marin oo masiibada Dalka lagu saladay baa meel kasta taagan,ma diyaarada 14ka qof qaada oo waftiga Dooloow keentay baa raashinkaas waday?

Su,aashaas waxaa qaba dadka Gobolka Gedo oo aan ka midka ahay,waxaana codsanaynaa in nala ka qanciyo qaabka raashinkaas ku soo gaaray dadweynaha Gobolka Gedo ,waxaana jawaabta laga sugayaa masuuliinta Jubalaandi iyo cid kasta oo xog ogaal ah,ayyada oo aan ka wada warqabno in gudoomiyaha Gobolka Gedona uu arintaas gargaarka la lunsaday uu shaaciyey.

W/Q: Cabdullaahi Jimcaale Faarax
London, UK