Masuul ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday

0

Alle ha u naxariistee waxaa Xalay Magalada Muqdisho ku geeriyooday Guddomiyihii Guddiga Shaqalaha Rayidka Marxuum Cali Maxamuud Ibraahim Cali dheere.

Geerida Marxuumka ayaa waxaa shaaciyay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacada Dowlada ee Radio Muqdisho.

Marxuumka ayaa waxa uu Maalmihii dambe ku Xanuunsanaayay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Marxuum Cali Dheere waxa uu in muddo ka shaqaynayay dib u qaabaynta shaqaalaha Rayadka ah, wuxuuna ka ahaa Guddoomiyaha Guddigaasi.