Maxaa Shabaab u sahla inay weeraraan Xeebta Liido? General Gaafow ayaa ka hadlaaya Sababta

0

General C/laahi Gaafow Maxamuud, Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa waxaa uu ka hadlay weerarada ay Ururka Al Shabaab ku qaadayaan goobaha laga cunteeyo ee ku yaala Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha oo wareysi siiyay Laanta afka Somaliga ee VOA, waxna laga weydiiyay waxa Shabaab u sahlaaya inay beegsadaan Xeebta Liido, ayaa sheegay in Liido ay ku taalo meel dhinaca badda xigta iyo bulshada oo ku badan.

“Waxaa u suuragelinaaya Liido meel waaye marka 1-aad, oo badda laga imaanaayo, baddana aysan ogayn wixii Shabaab ah. Habeen ayay ka fushaan, mugdi ayayna tahay badda. Waxaa loo qaadanayaa meel dadka isaga tamashla taggaan, oo dhalinyarada isugu taggaan, dadka magaalada isugu taggaan, oo aad moodeyso Somaliya inay ku soo noqotay 70-meeyadii. Maalin iyo habeen meeshu waxaa waaye meel dadka dhooban yahay. Shabaab-na umadda inay laayaan ayay rabaan, hadda wax gooni ay leeyihiin malaha.” Ayuu yiri Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida.

Mar la weydiiyay in Shabaabku awoodaan weeraro ay qaadaan xilli kasta, dowladuna u muuqato mid aan awoodin ka hortagga weeraradaasi, ayaa sheegay inaanan loo fasiran karin itaal xumo ka jirta dhinaca sirdoonka. Wuxuu kaloo sheegay in ciidamada ammaanku ay fashiliyeen qarax gaari oo ka horeeyay midkii habeenkii Khamiista lagu weeraray maqaaxida Banadir Beach.

“Maya lama dhihi karo, sababtoo ah waxaan u maleynayaa billihii la soo dhaafay wax badan ayaa la fashiliyay, baabuurkan baabuur ka horeeyay oo qarxaayay waa-tii la fashiliyay oo Siinaay ku qarxaayay, ciidamada nabadgelyadaa fashiliyeen.”

General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa yiri “Adiga ruuxaagaa war kuugu soo celinaayaaye, qof raba inuu dhinto waxaad ka qaban karto ii sheeg? Waxaad wax ka qaban kartaa qof raba inuu adiga ku dilo, asigana noollaado raba. Laakiin qof inuu ku dilo iyo inaanu ku dilin noollaado aan rabin, wax gooni ah laga qaban karaa majiraan. Waa fitno cusub oo adduunka ku soo kordhay.”

General Gaafow, ayaa shacabka ku eedeeyay inaanay laamaha ammaanku soo wargelin xubnaha ka tirsan Al Shabaab, iyagoo u arka in ay ku heyb yihiin amaba ay la dhasheen, xilli sida uu sheegay uu fekerka Shabaab dhigaayo inaanan beel lahayn, dad la dhalan amaba aanay ehel lahayn.

“Dadkeenii weli uma bisla inay qofkii nabadgelyo xumo u arkaan soo sheegaan, sababta qaarkood waxay u aaminsan yihiin u haystaanba inuu ayaga la qabiil yahay, oo walaal la yahay. Ma gaarsiinayaan xitaa dadka joogga meeshaas oo ammaanka qaabilsan u sheegi maayaan, laakiin markay wax dhacaan ayay wada qaylinayaan, leeyihiin saas buu ahaa, Shabaabna haddee mabda’ooda waaye walaal maleh, qabiil maleh, cid malaha.” Ayuu yiri Gaafow.