Puntland oo soo saareysa Qorshe Amniga Degaanadeeda lagu sugo

0

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa Kulamo la qaatay Saraakiisha Amniga Gobolka Mudug,waxaana ay ka wada hadleen sidii loo Xaqiijin lahaa Ammaanka Degaanada Puntland.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ayaa sheegay in Heegan Sare la galiyay Ciidamada qalabka sida ee Puntland si ay uga hortagaan Weeraro Al-shabaab ay ku soo qadaan Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegay in ay Weeraro kale u diyaariyeen Degaanada Puntland,iyadoo sidaa Ciidanka Puntland heegan loo galiyay.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Weeraro Ismiidaamin ah lagu qaaday Xarunta Dowladda Hoose ee Gaalkacyo ee Dowlad Goboleedka Puntland.