TACSI: Wasiir Diini “Marxuum Cali Samatar Wuxuu ahaa Hoggaamiye kaalin weyn ka soo qaatay Dhismaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed”.

0

Muqdisho, August 20, 2016…..Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa dhambaal tacsi ah u direy qoyska, ehelka iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistii S/Guud Maxamed Cali Samatar oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka, wuxuna Wasiirku ku tilmaamay marxuumka hoggaamiye door weyn ka soo qaatay dhismaha Ciidanka qalabka sida.

Wasiirku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Soomaaliyeed ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

“Inna Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun… Allah u naxariisto marxuum S/guud Maxamed Cali Samatar. Wuxuu ahaa muwaadin naftiisa iyo waqtigiisa u huray inuu u shaqeeyo ummaddiisa, gaar ahaan waxaan ku xasuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa dhismaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo kamid ahaa muwaadiniintii waqtigooda galiyey Soomaaliya in ay yeelato Ciidan leh awood iyo karti, difaaci karana dalkooda hooyo. Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu Naxariistii Jannatul Fardowsa ka Waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii uu ka tegeyna Samir iyo iimaan ka siiyo.”ayuu yiri Wasiir Diini.

—DHAMMAAD—-