TOOS U DAAWO:- Sawiro laga soo qaaday Garoonka Muqdisho iyo sida Hab maamuska leh ee Diyaarada loogu so dajiyay Meydka Marxuum Samatar

0

Shabakada Wararka Allgalgaduud.com ayaa heshay Sawiro goor dhaw laga soo qaaday Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Sawirada ayaa muujinaya sida hab maamuuska leh ee loo soo dhaweeyay Marxuumka iyo Madaxda sare ee Dowladda oo ka qeyb galay Aaska.

Marxuumka ayaa waxaa lagu aasayo sida aan ka soo xiganay Masuuliyiin ka tirsan ee ku sugan Garoonka  in Meydka la geynayo laguna aasayo Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ee ku taalla degmada Deyniile ee Muqdisho.

Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hoos loo dhigay muddo Sadax Maalin ah, si loogu Sharfo looguna Ciseeyo Marxuum Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 2 3 4 5