TOOS U DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay Qaraxa SYL,Wasiiro,Xildhibaano iyo Wariyayaal ku waxyeeloobay

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday hotel SYL.

Hotel SYL ayaa waxa uu kasoo horjeedaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo hotelka lagu dhuftay, sida ay wararka sheegayaan.

Ugu yaraan 21 qof ayaa la xaqiijiyey in illaa iyo hadda ay ku dhinteen qaraxa, islamarkaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 30 qof.

Dadka dhaawaca ayaa waxaa ku jira laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, wasiir iyo wasiiro dowle iyo laba weriye.

HALKAAN KA DHAGEYSO