TOOS ULA SOCO:- Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Weerar Toos ah oo ka socda Maqaayada Banaadir Beach

0

Dableey Hubeysan ayaa weerar ku qaaday Maqaayadda Banaadir Beach oo ku taalla xeebta Liido , waxaana la sheegaya in weerar ka hor uu Qarax ka dhacay afaafta Hore ee Maqaayadda Banaadir Beach ee xeebta Liido.

Maqayaadda ay weerarka ku qaadeen kooxaha hubeysan ayaa la sheegaya in ay joogeen dad aad u farabadan oo goobta ku nasanaayay sida ay sheegeen dad ku goobjoogayaal ah.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray waxaan ay hareereeyeen goobtii weerarka lagu qaaday.

Rasaas xooggan ayaa laga maqlaya gudaha Maqaayadda Banaadir Beach, waxaana la sheegaya in dableeyda ku gudaha u gashay Maqaayadda ay heystaan dad aad u farabadan.

Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka lagu qaaday Maqaayadda Banaadir Beach lama oga ,  saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo aan la hadalnay waxa ay inoo sheegeen in ay wadaan samatabixinta dadkii lagu weeraray Maqayaada Banaadir Beach ee degmada Cabdulcasiis gaar ahaan xeebta Liido.

Warbaahinta dowladda ayaa  sheegtay in weerar toos ah uu ka socdo Gudaha Maqaayadda Banaadir Beach oo ku taalla degmada Cabdicasiis gaar ahaan Xeebto Liido.