TOP DHAGEYSO:- Dhalinyaro Koonfurta Soomaaliya ka soo jeeda oo lagu qabtay Puntland, Su’aalana la weydiinayo

0

Waxaa dhawaanahan soo jiitameysay Arin Caadifad Qabiil kusaleysan oo Shacabka iyo madaxda Maamulka Puntland Qaarkood Warbaahinta soo dhigayeen kuna aadan dadka kasoo jeeda Koonfurta oo loo diiday inay Puntland gudaha ugalaan.

Tan iyo markii Qaraxyo Xoogan oo ismiidaamin ahaa Al Shabaab ay ka fuliyeen Gaalkacyo Todobaadkii Hore oo Shacab iyo Dad Ushaqeenayey Dawlad Gobolleedka Puntland ayaa waxa jiray Jinsi Faquuq Qabali ah oo Dadka Koonfurta lagu sameenayey.

Ciidanka Puntland ayaa waxay Xalay ku Qabteen sida la sheegay Magaalada Burtinle Ee Gobolka Nugaal lagu qabtay 15 dhalinyaro ah oo Tahriib usocotay kana tagey Koonfurta balse ay Puntland ku sheegtay inay katirsan yihiin Al Shabaab.

Taliyaha ciidanka Amniga Burtinle Siciid Kurtun ayaa warbaahinta usheegay inay Al Shabaab uga shakiyeen Dhalinyaradaasi haatana su’aalo lagu weydiinayo Magaalada Garowe Saldhig ciidanka Amnigu ku leeyihiin.

HALKAAN KA DHAGEYSO