TOP DHAGEYSO:- Duqa Degmada Gaalkacyo ee Puntland oo ka hadlay dhulka Galmudug iyo Puntland isku Hayaan

0

Duqa Degmada Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed Tumey ayaa ka hadlay xiisad ka taagan galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Maxamuud Yaasiin Axmed Tumey ayaa sharaxaad ka bixiyay halka leesku heesto isagoo kadib sheegay in arintaasi wada hadal uu ka jiro isla markana la xalinayo waxa leesku hayo.

Waxa uu sheegay in hada wada hadalka uu marayo meel wanaagsan isla markana rajeynayaan in uu kasoo boxo heshiis labada dhinac ah.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu digniin u diray darawalo Waqooyiga Gaalkacyo ka qixinaya dadka shacabka kuwaasi oo u sheegaya in dagaal uu soo socdo isla markana qasab tahay in laga cararo goobta.

HALKAAN KA DHAGEYSO