TOP DHAGEYSO:- Kulan Xasaasi ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo isugu yeeray…

0

Kulankii Todobaadlaha ee Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir ay maanta yeesheen ayaa waxaa looga hadlay amaanka guud ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii Gudoomiyeyaasha Degmooyinka ay u xoojin lahaayeen amaanka guud ee Degmooyinka ay Mas’uulka ka yihiin.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulanka maanta si weyn looga hadlay sugida amniga Degmooyinka Gobolka Banaadir

Sidoo kale Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu si adag ula dar daarmay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadlay dar dar gelinta qaadista Canshuuraha iyo Dhismaha Wadooyinka Muqdisho.

HALKAAN KA DHAGEYSO