TOP DHAGEYSO:- Nabadoonada Gobolka Mudug oo gaaray Halka la isku heysto,iyagoo sharaxay qaabka loo heshiin karo

0

Magaalada Gaalkayco waxaa ka taagan xiisad ku aadan dhismo laga doonayo in laga dhiso Gaalkayco gaar ahaan duleedka Magaalada.

Nabadoon Cali Diiriye Aaloore ayaa sheegay in ay tageen halka laga dhisayo dhismaha waxana uu sheegay in ay tahay meel aad u yar oo duur .

Waxa uu nabadoonka sheegay in odayaal labada dhinac leesku raacay isla markana lagu heshiiyay in dhulka la fiirsho oo loo daayo cida xuduudkeeda uu ku jiro.

Nabadoonka ayaa sheegay in marna habooneen in Suugag iyo Hub kala duwan loo soo qaato dhul intaasi la.eg isla markana lagu laayay dad shacab ah.

Intaasi ayuu ku daray in dhulka uu ka dhisanyahay ceelal galmudug ay leedahay hase yeeshee markasta la fiirinayo waxa danta umada ku jirto.

HALKAAN KA DHAGEYSO