TOP DHAGEYSO:- Puntland oo sheegtay in la saxayo qaladaadkii iyo faro gelinta afartii sano ee laso dhaafay loo geystay dastuurka Soomaaliya

0

Wasaaradda dastuurka iyo arrimaha federalka dowladda Puntland ayaa maanta shaacisaya in dib u sixiyaan xoogan lagu sameynayndoono dastuurka kumeer gaarka ah ee Soomaaliya, kaasoo afartii sano ee lasoo dhaafay lagu sameeyay faro gelin iyo wax ka badal aan wadatashi laga sameynin.

Wasiir ku xigeenka dastuurka, arrimaha federalka iyo dimuqraadiyada Puntland Cabdiraxmaan Ismaaciil oo magaalada Nayrobi ugasoo qeyb galay shir looga hadlayay dastuurka Soomaaliya ayaa sheegay, in la go’aamiyay in koox gaar ah kaligeed aysan iska maamulan dastuurka dalka, islamarkaana dastuurka dib u sixidiisa loo daayo barlamaanka soo socda iyo dowladdaha xubnaha ka ah federalka

Wasiir ku xigeenka dastuurka Puntland oo wareysi siiyay Puntlandi ayaa sheegay caalamka inuu dhaqaale badan ku bixiyay sidii dastuurka Soomaaliya uu unoqon lahaa mid taabo gal ah , hase ahaatee wuxuu sheegay afartii ee sano ee lasoo dhaafay in uu dastuurku noqday mid laga galay qaladaad badan iyo faro gelin ay masuul ka tahay dowladda federalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sheegay inta uu shirku socday in lagu amaanay dastuurka dowladda Puntland oo lagu tilmaamay inuu yahay dastuurka dhinac kasta ka saxan islamarkaana tusaale unoqon kara dastuurka Soomaaliya dib u habayntiisa.