TOP DHAGEYSO+DAAWO+SAWIRRO: Qurbajoog Booqatay Maanta Kuleeejada (Maama Orphan School) Oo Lagu Daryeelo Caruurta Agooonta Ah Ee Magaalada Caabudwaaq Iyo Xubno Ugu Yaboohay Dhulal Banaan.

0

Xubna kamid ah qurba joogta ka soo jeeda degmada ayaa markii ugu horaysay waxaa ay ka hirgaliyeen magaalada Caabudwaaq xaruntan MAAMA ORPHAN SCHOOL oo lagu daryeelo Agoonta degmada isla markaana lagu dhiso garaadkooda aqooneed ee ilmaha agoonta ah.

Waxaana agoonta kujirta xaruntaasi oo wiilal iyo gabdhi isugu jira aan ku arkay maanta markii aan ka qayb galay munaasabadda lagu dhiira galinayay caruur aad u da’yar oo aan haysan farxada waalid dhamaystiran taasi oo ah mida keentay in agoonimo loo ixtiraamo caruurtaasi.

Waxaana Munaasabad ay ku codsadeen aasaasayaashii kuleejkan in laga saacido taaba galinta xaruntan oo ah waqtigan mid ku shaqaysa goob kumeel gaar ah lagu qabtay Xarunta agoonta ee Maama Orphan School, Waxaana kala qayb galay xubno ka socday qaybaha bulshada.

Sahro Bashiir oo kamid ah qurbajoogta laheyd fikirka lagu Aas aasay xaruntan ayaa sheegtay in markii ay aragtay ilmaha ku jira xaruntan ay shacuurteedu is badashay waxaana ay codsi u dirtay cid walba oo wax u awooda Agoontan ay caawinaad lasoo gaaraan, sidoo kale Hashim Muuse Xasan iyo Faysal Daahir Dheere oo kamid ahaa qurbajoogta maanta booqatay xarunta agoonta maama ee magaalada Caabudwaaq ayaa iyagana dhankooda waxa ay baaq u direen dhamaan qurbajoogta inay si deg deg ah uga qayb qaataan caawinaada caruurtan agoonta ah.

Qaar kamid ah ka qayb galayaasha Munaasabadan ayaa dhankooda  sheegay inay gacan ka gaysan doonaan habkii loogu heli lahaa dhismo u gaar ah caruurta agoonta ah ee kuleejada maama,  isla goobtaas ayaa  Geelle Cali Dhuux, Faadumo Caanood, Maxamed Sacdi Cawil (janagale) ay ugu yabooheen dhulal  dhismo gaar ah looga dhiso caruurta agoonta, waxaana sidoo kale ay xuseen inay  ka qayb gali doonaan waxii kaloo looga baahdo intii awoodooda ah.

Madaxa waxbarashada degmada ee Dawlad Goboleedka galmudug C/naasir Cagaweyne ayaa sheegay in Dugsigaan agoonta Maama uu ka mid yahay dugsiyada u diiwaan gashan Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka iyo Wasaarada Waxbarasada Maamulka Galmudug ayna ka qayb qaadan doonaan wax alle waxii horumarinta iskuulkan ah oo awoodooda ah.

Warbixin Cod Ah

Hoos Ka Dhageyso Codka Nabadoon Muuse Geelle

Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Bashiir

Hoos Ka Dhageyso Codka Sahra Bashiir iyo Janagale

Hoos Ka Dhageyso Codka Faaduma Caanood

Hoos Ka Dhageyso Codka Geelle Cali Dhuux

Hoos Ka Dhageyso Codka Faysal Faracade

Hoos Ka Dhageyso Codka Haashi Muuse Xasan

Hoos Ka Dhageyso Codka Maamulaha Iskuulka

Hoos Ka Dhageyso Codka Faarax Aaran

Hoos Ka Daawo Sawirrada

DSC05325

DSC05364

DSC05322

 

DSC05329 DSC05331 DSC05332 DSC05333 DSC05334 DSC05335 DSC05338 DSC05341 DSC05348 DSC05349 DSC05350 DSC05352 DSC05354 DSC05357 DSC05361

DSC05271 DSC05272 DSC05273 DSC05275 DSC05276 DSC05279 DSC05280 DSC05270 DSC05281 DSC05282 DSC05283 DSC05284 DSC05285 DSC05286 DSC05287 DSC05290 DSC05291 DSC05292 DSC05294 DSC05295

DSCN9934 DSCN9939 DSCN9940 DSCN9944 DSCN9945 DSCN9946 DSCN9949 DSCN9950 DSCN9952

DSC05296 DSC05298 DSC05300 DSC05304 DSC05305 DSC05306 DSC05307 DSC05310 DSC05311 DSC05312 DSC05314 DSC05317

Fadlan Qofkii doonaya inuu si toos ah ugu diro lacag Agoonta ha ugu hagaajiyo Magaca iyo koonto nambarka hoos ku qoran.

Xawaalaada Hodan Global

Magaca: Mama Orphan School

Account (Koonto) Number: FQS094

Abudwak- Somalia

Sidoo kale dhamaan dadka ku nool UK ee doonaya inay lacag yar oo joogta ah bixiyaan fadlan haku shubaan koontadan.

Name: IQRA Somali Health & Education Development

Barclays Bank

Soort Code: 20 41 41

Account: 10748471

CHARITY NO:1099057

Waxii Faah Faahin ah oo intaas dheer la xiriir Maamulka Guud Ee Dugsiga Hoose Dhexe Ee Maama.

Cabdi Deeq Shire Faarax

Tel: 00447960308411

Email:iqrasom@Gmail.com

Mamaorphan@Hotmail.com

 

Wariye Ayaan Cabdullaahi Jaamac Iyo Wariye C/kariin Axmed Bulxan
Caabudwaaq, Soomaaliya