TOP DHAGEYSO:- Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif oo ka Hadlay Dhaqamo aan wanaagsaneyn oo Dhalinyarada caadeysteen

0

Maalmihii Lasoo dhaafay waxaa aad ugu soo badanayey Muqdisho iyo Qaar ka mid ah Gobollada Soomaaliya dadka dhiganaya Xafladaha Dhalashada.

Munaasabadaha qaar Ee Dhalashada dadka dhiganayey waxa lasoo kireenayey Fanaaniin ka heesta oo si weyna ubadela Dareenka ka qeyb galayaasha.

Waxa layaabka lahaa Ee Xafladahaasi lagu arkayey ayaa waxey aheyd in wiilal iyo gabdho dhalinyaro ah ay inta dhar ku dhegan soo xirtaan kadibna wada dheela (Jees wada ciyaaraya).

Markii Xaflada ay gebo gaba tahana toorte la diyaariyey qofka dhalashada udabaal degaya uu jaro oo qaarkood Asxaabta dadka la ah afka ugeliyo xitaa hadii aysan dadkaasi Xaas aheyn oo madax banaan yihiin.

Hadaba arintaasi waxa si kulul uga hadlay Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif oo ka mid ah Culimada ugu caansan Soomaaliya kaasoo ku sheegay dhaqankaasi mid diinta kasoo horjeedo dadkana uga digay inay Xafladaha Dhalashada sameystaan.

Sheekh Cariif waxa uu tilmaamay in dhaqankaasi oo Soomaaliya waayahan kusoo batay laga soo min guuriyey Gaalada oo dadka Islaamka ah inay dhalan rogaan la damacsan kana codsaday dadka Soomaaliyeed inay iska dhaafaan oo feejignaan laga galo dhagarta gaalada.

HALKAAN KA DHAGEYSO