TOP DHAGEYSO:- Siyaasiyiin sheegay inay muuqato Musuq maasuq iyo Sababta ka dambeysay in Lacagta dowlada la xado

0

Dawlada Soomaaliya Ee Xilliga kala guurka ku jirta ayaa lasoo sheegayaa inay madaxda qaar bilaabeen Hantida Dalka inay ku takrifalaan oo sidii ay doonaan u isticmaalaan.

Dad ubadan Siyaasiyiin ayaaba hore usaadaaliyey inay Xaaladu noqon karto mid lagu sameeyo Musuq maasuq Hantida qaranka waana mid hadda la dareemayo arimihii la saadaalinayey.

Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi oo ka mid ah Gudiga Maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo bandhigay Xog sheegeysa in Afar Milyan Dollar lagala baxay Khasnada Dawlada Soomaaliya markii ay soo bandhigeen Warbixintaasina dhag jalaq loo siinin oo la iska indho tiray.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in lacagta la xaday qaarkood Waddamada Shiinaha iyo Dalalka Deeq bixiyeyaasha uGu yabooheen Waddanka Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO