TOP DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyey Gaalkacyo iyo Puntland oo Digniin u dirtay Hotelada & Maqaayadaha

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay ciidamada Amnigu wadaan howlgalo culus oo ay ku baarayaan guryaha iyo gaadiidka dadweynaha, iyagoo qabanaya cid kasta oo looga shakiyo falal amaan darro in ay ka wadaan gudaha magaalada.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Cabdixakiim Xaaji Cumar (Camey) oo maanta wariyaasha la hadlay wuxuu digniin u diray Hotelada iyo Maqaayadaha magaalada.

Madaxweynuhu wuxuu ku amray in ay la shaqeeyaan ciidamada Amniga oo ay u soo gudbiyaan dadka ka shakiyaan ayna Il gooni ah ku hayaan dadka fariisanaya iyo gaadiidka lasoo dhigayaba.

HALKAAN KA DHAGEYSO