TOP DHAGEYSO: Wasiir Warfaafinta Maareeye Oo Ka Warbixiyay Qaraxii Hotel SYL.

0

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo Duhurnimadii ka hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa waxa uu ka warbixiyey Khasaaraha ka dhashay weerarka Hoteelka SYL lagu qaaday.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in markii qaraxa uu dhacayey uu kusugnaa Hoteelka SYL oo Shir Xildhibaano iyo Wasiiro ay ka hadlayeen Amaanka.

Mudane Maareeye ayaa sheegay dad badan oo mas’uuliyiin ku jiraan qaraxaasi waxyeelada ka dhalatay ay ku dhawacmeen allena urajeeyey inuu ubooga dhayo.

Dadka dhaawacmay ayuu maareeye ka xusay inuu ku jiro Wasiirka Dekadaha Soomaaliya Nuur Faarax iyo Xildhibaanada kala Ah,Sugulule,waxaa sidoo kale dhaawacmay Xildhibaan Jeesoow,Xildhibaan Caasho Koos,Xildhibaan Siciid iyo Aqoon yahano.

Wasiir Maareeye waxa uu sidoo kale sheegay in Wariyeyaal ushaqeenayey Idaacada iyo Tv-ga Qaranka ay dhaawacmeen ayna ka mid yihiin Maxamed Abuukar Ma’da,C/fitaax Jeyte iyo Bunka.

Hoos Ka Dhageyso