TOP DHAGEYSO:- Xildhibaan sheegay in Aqalka Sare uu dalka gelinaayo Colaad hor leh.Ogow Sababta ?

0

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya,Xildhibaan C/Qaadir Cali Cosoble,oo shalay isaga iyo Wafddi la socday ay gaareen magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa uu sheegay in aqalka sare ee dalka oo dhismihiisu hadda socdo uu yahay mid dhibaato uun u horseedaya dalka ee aan faa’iido lahayn.

Xildhibaanka ayaa ku dooday in dhismaha aqalka sare uusan waafaqsaneyn Dastuurka u yaalla Dalka islamarkaana uu colaad sokeeye u soo jiidayo dalka haddii la sii wado dhismaha aqalka sare.

Qaabka hadda loo wado dhimaha aqalka sare ee Dalka ayuu ku sheegay in uu liddi ku yahay dastuurka kumeel gaarka ah ee u yaalla Dalka,waxaana uu ka digay in uu colaad sokeeye u horseedo dalka haddii aan wax laga qaban qaabka hadda loo wado.

Macadda shaqada xubnaha Aqalka sare ay qabanayaan marka laga reebo in uu dhismihiisa farayo Dastuurka,waxna ka dooranayaan Madaxweynaha Dalka uu yeelanayo.

HALKAAN KA DHAGEYSO