TOP DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay Halka Al-Shabaab Caruurta ay ku dagaalaan ka soo qaataan

0

C/laahi Jaamac Ilka-jiir Wasiirka Cadaalada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ururka Al-shabaab wuxuu ku eedeeyay dhalinyarada yar yar ee caruurta ah in ay si qalad ah ugu adeegsadaan Dagaalada ay ka wadaan Al-shabaab Soomaaliya.

Wasiirka Cadaalada ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Shabaab caruurta ay ka qortaan goobaha malcamadaha ah ee caruurta Qur’aanka ay ku dhigtaan, isagoo tilmaamay arintaasi in ay tahay arin qalad ku ah dhanka xuquuqda aadanaha marka la eego Dagaal gelinta caruurta Da’dooda ay aadka u yartahay.

Qaramada Midoobay ayaa horey uga soo saartay sharciyo kala duwan oo ku aadan arimaha ku saabsan in caruurta yar yar la Askareeyo, islamarkaana Dagaal la geliyo.

Ururka Al-shabaab ayaa horey loogu eedeeyay in ay Dagaal geliyaan caruurta Da’dooda ay aadka u yar tahay oo aan u dulqaadan karin Colaadaha dalka ka jira.

HALKAAN KA DHAGEYSO