TOP DHAGEYSO+DAAWO: Arday gaaraysa 55 ayaa ka qalin jabiyay Machadka Caafimaadka ee Midnimo ee magaalada Dhabad.

0

Ardadaan Dhamaysatay barashada culuunta Caafimaadka Qaybaha ka hortaga Cudurada faafa iyo gargaarka deg dega ayaa lagu soo bandhigay munaaasabad ka dhacdaay magaalada Dhabad iyagoo baranayay mudo
3.bilood ah.

Ardadaan ayaa ah dufcadii ugu horaysay ee labaro maadooyin la xariira dhinaca caafimaadka oo ku waxbarta dugsiga Midnimo ee magalada Dhabad.

Maamulka magaalada iyo qaybaha Waalidiinta oo ka qayb galay munaasabada lagu soo bandhigayay ardada xambaarsan qaybaha muhiimka u ah caafimaadka ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay.

Siciid Cali Cigaal oo ah baraha Dugsigan soo saaaray Ardadan ayaa sheegay in wax badan ay usoo kordhin doonaan Ardadan baahiyaha loo qabo Caafimaadka ee ka jirta magaalada Dhbad.

Ugu dambayn Aadan Cabdinuur Galaal (Aadan Gabi)oo ah Gudoomiyaha magaalada Dhabad ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo ardan isagoo mahad celin u jeediyay Waalidkii iyo macalimiintii qaybta ku lahaa soo saarista
ardadaan.

Hoos Ka Dhageyso

Wariye C/kariin Axmed Bulxan
Dhabad/Soomaaliya