TOP DHAGEYSO+DAAWO SAWIRRO:- Maxaa ka socda Dekada Hobyo, Maamulku Maxay ka yiraahdeen Warar Maalmahaan la hadal hayay ?

0

Dekada Dagmada Hobyo ee Gobolka mudug oo saameyn ku yeelatay burburkii dowladii dhaxe ee dalka soomaaliya ayaa xilligaani waxaa ay u muuqtaa mid ka soo kabanaeysa burburkasi maadama mudooyinkii dambe dambeysay xeebta hobyo ay ku soo xeranayeen doonyo ay u raranyihiin ganacasto soomaaliyeed kadib markii kal hore masuuliyiinta galmudug ay sheegeen in ay ku dadaalanayaan sidii loo furi lahaa dakada uguna baaqay ganacsatada soomaliyed in ay wax kala soo dagi karaa dakadasi ayaa waxaa maanta ku soo xertay dooni ganacsi oo ururneyd ganacasto somaliyeed waxaana siday qalab kala duwan oo ay ka keentay dalka dibadiisa .

Doontaasi timid hobyo ayaa waxaa shaqa abuur ka helay dhalanyaro fara badan oo ku nool dagmadasi kuwasi oo mudooyinkii dambe shaqa la’aan haysta madama aysan si wanaagsan u shaqeynin marasadasi .

Sidoo kale maanta waxa la arkayay ardayad dhameystada Culuumada Caafimaadka ee Jaamacada gaalkacyo univesratay oo mudooyinkii dambe howla dawoyin lacag la;an ah ka waday beriga gobolka mudug ayaa waxaa ay ka mid ahayeen dadkii dajinayay doontaasi qalabka sida kuwasi oo shegay in ay muujinayaan sida ay ganacastada looga fadhiyo in ay u istaagan dib u furida dakadaasi iyo dib u dhiska dalka.

Maarayah Dakada hobyo C/risaaq Codweyne oo xeebta kula hadlay Warbaahina ayaa waxa uu sheegay in dakada ay shaqeyso loogana fadhiyo dadka reer galmudug in gacantooda ay soo gaarto dakadasi.

Duqa dagmada Hobyo Cabdilaahi Maxamed Faat aya sheegay in qalabkii lagu dhisi lahaa dakada dhawaan la keen doono magalada hobyo isagoona intaasi ku daray in ay jiraan dad ka soo horjeeda dhismaha isha dhaqalaha galmudug balse aan loo joojin doonin.

HALKAAN KA DHAGEYSO

2 3 4 5 6 7 8 9 Dekada hobyo