TOP DHAGEYSO+KASHIFAAD:- Tarsan oo Meel ku Sheegay Musharaxiintii Xasan La tartami lahayd oo Maalmahan la iswaydiinayey

0

Siyaasiga Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo hadlay Idaacada Simba ayaa Walwal ka muujiyay Qabsoomida Doorashooyinka Dadban ee Dabayaaqada Sanadkaan lagu wado inay soomaaliya ka dhacaan.

Tarsan ayaa Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shekh ku Eedeyey in aysan u Bislayn Hirgalinta Hanaanka Doorashooyinka Dadban ee Hogaamiyaasha Madasha wada tashaga Qaranka ay ku heshiiyeen in ay Dhacaana Bilaha September iyo October ee Dhamaadka Sanadkaan sida ku Cad War-mutiyeedkii ka soo baxay Shirkii ugu Danbeeyey ee Muqdisho.

Siyaasiga ayaa Sheegay in Shaki Badan laga qabo Qaabka ay u Shaqeynayaan Gudiga Doorashooyin loo Xilsaaray waxaana intaa hadalkiisa sii raaciyey in Dowlada ay Wali ka caga jiidayso Hirgalinta Doorashooyinka Islamarkaana uu Dayac ka muuqdo Dhinacyo badan oo saamayn ku hel Arimaha Doorashooyinka Sida Amaanka Dalka oo uu Xusay in Mas’uuliyad daro ay ku jirto.

HALKAAN KA DHAGEYSO