TOP NEWS:- Gaari siday qof bukaan ah oo Qarax lagu la eegtay dalka Kenya

0

Hal qof ayaa ku dhintay midkalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii Qarax la la eegtay gaari siday qof bukaan oo ku sii jeeday degmada Lamu ee dalka Kenya .

Saraakiisha ammaanka dowladda Kenya oo faahfaahin ka bixiyay Qaraxaasi ayaa  sheegay in qof bukaan oo laga soo qaaday gudaha Soomaaliya, islamarkaana loo waday isbitaalka degmada Lamu uu ku dhintay Miino lagu aasay wada dhinaceeda.

Taliyaha ciidanka dowladda Kenya ee degmada Lamu ayaa weerarkasi ku eedeeyay Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in ciidanka dowladda Kenya ay goobta soo gaareen , islamarkaana ay bilaabeen howlgallo lagu baadigoobaayo kooxihii wada ku aasay Miinada.

” Ciidanka ammaanka ayaa maqlay dhacda ka dibna goobta ayay soo gaareen howlgallo ayaan biloownay Miinada waxaa la la damacsanaa ciidanka ammaanka Kenya oo goobta saacado ka hor ka sameeyay howlgal , hada waxaan xaqiijinaynaa in geerida hal qof oo ku dhintay Miinada la la eegtay Gaariga midkalena dhaawac ayaa soo gaaray , waxa uu ahaa gaari shacab ” ayuu yiri Mr Serian.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro  la eegtay ciidanka dowladda Kenya ee degmada Lamu , waxaana weeraradaasi ka dhasha khasaare kala duwan oo soo gaara labadana dhinac.