TOP NEWS:- Maamulka Jubbaland oo sheegay in ay Hakinayaan Qaxootiga ka soo laabasnaya Dhadhaab

0

Maamulka Jubaland ayaa sheegay inay hakiyeen qaxootigii laga soo celinayay xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Arintan ayey u sababeeyeen kadib markii sida ay sheegeen looga baxay ballan horey looga qaaday oo aheyd in dadka la soo celinayo la siinayo adeegyada ay u baahan yihiin marka ay gudaha Soomaaliya ku soo noqdaan.

Maamulka ayaa sheegay inay xaqootiga ay haatan ku hakiyeen magaalada Dhoobley aysanna ogolaan doonin inay halkaa uga soo gudbaan Jubaland maadama aysan qaadi karin culeyska iyo tirada qaxootiga soo noqonaya.

Waxaanan la ogeyn hada suurtagalnimada hadii Jubaland lagu gacan siin doono marti galinta gaar ahaan in laga taagero dhinaca tashiilka marti galinta qaxootiga.