TOP NEWS:- Meydad hor leh oo laga soo bixiyay gudaha Hotelka Siyaad ee Muqdisho

0

Waxaa Maanta barqadii Hoteelka Siyaad ee Magaalada Muqdisho laga dhex helay Meydad gaaeaya ilaa 3 Meyd.

Hoteelka waxa uu dacalka ku hayaa ama ku yaallaa agagaarka Hoteelka SYL ee Shalay ururka Al Shabaab weerar khasaaro xoogan geystay ka fuliyeen.

Maamulka Hoteelkaasi ayaa xaqiijiyey in meydadka Seddex qof laga helay oo dhismaha ku dumay Xoogga qaraxii shalay Awgeed kuwaasi oo maanta la arkay Meydkooda.

Baaritaan ayaa la marsiinayaa dadkaasi oo loo maleenayo inay qurba joog kuwa ah ku jireen waxaana la dhigay meydkooda Xarun Ciidanka Amnigu leeyihiin.

Qaraxii ismiidaamin Ee Shalay Gaariga Xamuulka ahaa isku qarxiyey banaanka Hoteelka SYL waxa uu galaaftay Nolosha ku dhawaad 20 qof iyadoo 60 kale dad ka badana uu dhaawacay.