TOP NEWS:- Xildhibaan Cabdi Barre “Xukuumadii ugu liidatay ayaa dalka ka talisa”..

0

Iyadoo ay sii kordhayaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee Ururka Al Shabaab ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho gudaheeda, ayaa Xubnaha Baarlamaanka Somaliya qaarkood waxa ay eedeymo adag u jeediyeen Xukuumadda Federalka Somaliya.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo Baarlamaanka ka tirsan, ayaa sheegay Xukuumadda hada jirta inay tahay tii ugu xumeyd ee dalka soo marta waayahan.

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa sheegay dalka inuu u baahan yahay in isbedel amni laga sameeyo, sidoo kalena Saraakiisha Hay’adaha ammaanka Dowladda lagu sameeyo isbedel si loo hagaajiyo ammaanka dalka.

“Xukuumad tii ugu tayada xumeyd ayaa waddanka ka talisa, maanta haddaan mas’uul ama Ra’isul wasaare ahaan lahaa ama taliye ciidan ahaan lahaa waan is casili lahaa, maxaayeelay; waxbaan qaban waayay oo waan fashilmay, dalku isbedel buu u baahan yahaye, hay’adaha amniga isbedel ha lagu sameeyo oo dalka waxa lagu maamulayo halaga daayo, xukuumadaan aan xafiiska lahayn hoggaankana aan lahayn ee meesha ku baaba’day, labada bilood ee u hartay ha is casileen”.Ayuu yiri Xildhibaanka.

Cabdi Barre ayaa sidoo kale Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho wuxuu ugu baaqay inay isku tashadaan oo goobahooda ganacsiga iyo Hotelada ay u sameystaan ilaalo gaar ah.

“Shacabka Somaliyeed ee Xamar jooga ha tashadeen, ha sameysteen ciidamo amni oo iyaga u diyaarsan ilaaliya goobohooda gacansiga iyo Hoteladooda oo adag ha sameysteen, dowlad ka fakareysa ma lahan, dowladdii la rabay iney waxaysana waxay ku mashquulsan yihiin Somaliya wax burburinaya., ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanku waxa uu aad u dhaliilay waxqabadka hay’adaha amniga oo uu ku tilmamaay iney kulan sadeen aqoondarro iyo karti xumo:

“Waa ayaan darro weyn, hay’adaha amnigana waxaan leeyahay iyo qof kasta oo mas’uul ah, inta aad ummaddiina ka xishootaan ha oranina waanu fashilinay, fashil waxaa la yiraahdaa in laga hortago inta aaney dhibka geysan oo aaney waxba sameyn in laga hortago. Laakiin 100 qof baa ku dhimaneysa intaas ayaa ku dhaawacmeysa, waxbaanu fashilinnay aqoon daridaa keenaysa, karti xumidaa keenaysa, meeshan hay’adihii amniga awoodoodii baa maqan, daryeelkii ciidanka ayaa meesha ka maqan”.