TOP NEWS+SAWIRRO:- Jaaliyada Columbus oo Taageero u muujisay Garaad Maxamed Garaad Abshir iyo Garaadka oo Xaflada qadka Telfoonka uga qeyb galay

0

Xafladan oo ahayd mid ay ka soo qeybgaleen qeybaha bulshada waxaa lagu taageerayay looguna hanbalayaynayay Garaad Maxamed Garaad Abshir oo loo doortay in uu badalo Aabihii Garaad Abshir oo dhawaan geeriyooday.

Dad u badan dhaqanka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Columbus Ohio ayaa ka hadlay xaflada taageerada iyo Hambalyadaa waxa ayna ka sheekeeyeen Taariikhdii abaha dhalay suldanka cusub oo ahaa Nin kaalin muuqata bulshada uga jiray iyada oo isagana loo rajeeyay in uu ka shaqeeyo Nabada iyo isku keenida Bulshada .

Garaadka cusub oo qadka telfoonka uga qeyb qaadanayay xafladan ayaa dhankiisa dadka uga mahadceliyay taageeradooda waxa uuna balan qaaday in howshii aabihii u hayay bulshada Sool Sanaag iyo Cayn uu halkeedii ka sii wadi doono.

Garaad Maxamed Garaad Abshir waa Nin dhalinyaro ah oo qurbaha wax ku bartay lakin in mudaa dalkiisa Hooyo ku sugnaa si uu uga qeyb qaato isbadalka Bulshada, Waxay dadkii aqoonta u lahaa ku tilmaameen in Hogaamin kara Bulshada goboladaasi isla markaana leh qibrad iyo waayo aragnimo ku aadan sidii bulshada loo hagi lahaa ama la isugu soo dhaweeyn lahaa.

Waxa mudadii uu qadka uga qeyb qaadanayay xafladan uu balan qaaday in uu si weyn ugu taaganyahay isku keenida Umada Soomaaliyeed iyo helida Nabad ka hirgasha gabi ahaan dalka Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in Garadka lagu Caleemo saaro Dalkiisa Hooyo iyada oo caleema saarkiisa ay ka soo qeyb gali doonaan Suldaanada, Wabarada, Nabadoonada, Boqorada, Ugaasyada iyo dhamaan Duubabka Soomaaliyeed, oo kakala imaan doona gobolada dalka iyo dibada

IMG_8497 IMG_8507 IMG_8509 IMG_8512 IMG_8516 IMG_8517 IMG_8523 IMG_8526 IMG_8527 IMG_8530 IMG_8537 IMG_8538 IMG_8542 IMG_8551 IMG_8554 IMG_8561 IMG_8566 IMG_8571 IMG_8575 IMG_8591 IMG_8592 IMG_8594 IMG_8595 IMG_8597 IMG_8605 IMG_8608 IMG_8617 IMG_8624 IMG_8628 IMG_8637