TOP+XOG RASMI AH:- Goorma ayaa la xareynayaa Ergooyinka xulaya Xildhibaannada Federaalka ?

0

Guddiga doorashada dadban ee Soomaaliya ayaa waxaa ay soo saareen waqtiyada la xareynayo Ergooyinka soo xulaya labada aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo xeerarka loo marayo doorashooyinka ka dhacaya dalka Bilaha soo socda.

Guddigu waxaa ay sheegeen in 12ka Bisha September ee soo socota ay ku dhawaaqi doonaan diiwaan gelinta Musharrixiinta u tartamaya Madaxtinimada Soomaaliya.

Ergada soo xulaya 275ta Xildhibaan ee Aqalka hoose ayey ku sheegeen in ay gaarayaan 14,025 xubnood kuwaas oo wacyi gelin loo sameynayo iyaga iyo Guddiyada doorashada Dowlad Goboleedyada iyo 135tii Oday ee dhisay Dowladda hadda jirta.

Maalmaha soo socda ayuu sheegay in la billaabayo xareynta Ergooyinka soo xulaya Xildhibaannada aqalka hoose oo uu sheegay in la siinayo tababarro la xiriira shaqada ay qabanayaan.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada dadban ee heer Federaal Cumar Maxamuud Cabdulle (Cumar Dhagey),ayaa sheegay in ay diyaariyeen habraaca ay marayaan musharrixiinta iyo dadka xil doonka ah islamarkaana qofkasta laga doonayo in uu saxiixo.

Magaalooyinka Garowe, Cadaado, KIsmaayo, Muqdisho, iyo Baydhabo,ayuu sheegay in ay Xubaha aqalka sare ku hortagi doonaan Baarlamaannada Dowlad Goboleedyada iyada oo Xildhibaannada aqalka hoose ay soo xuli doonaa n Ergooyinka 51da Xubnood ah.