Ururka NUSOJ oo ku baaqay in la sii daayo Weriye lagu xiray Kismaayo

0

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ waxay si xooggan u cambaaraynayaan falkii  shalay lagu xiray  Weriye Jeylaani Xuseen oo ku sugnaa magaallo-madaxda Gobalka J/Hoose ee Kismaayo.

Xariga Weriyahaasi waxaa xaqiijiyey Saraakiil Sare oo ka tirsan Sirdoonka Jubbaland oo ku sugan magaalladda Kismaayo, kuwaasi oo sheegay in Weriyaha laga shakiyey, isla markaana su’aalo lagu weydiinayo Xarunta Sirdoonka ku leeyihiin magaalladda Kismaayo.

“Waxaan Maamulka Jubbaland, gaar ahaan Waaxda Sirdoonka Gobalka ee Jubbaland inay shuruud la’aan ku sii daayaan Weriye Jeylaani Xuseen Yuusuf” ayaa lagu yiri Qoraalka oo uu ku saxiixnaa Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta ee NUSOJ. Maxamed Ibraahim “Macallimu”, Wuxuuna ugu baaqay Maamulka Jubbaland inay xushmeeyaan Xorriyadda Hadalka iyo Ra’yiga.

Dhinaca kale, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ waxay sheegeen inay aad uga xun yihiin 15-kii Weriye ee shalay ku dhaawacantay Qarixii shalay ka dhacay Muqdisho, waxaana Suxufiyiinta loo rajeeyey Caafimaad Degdeg ah.

Inta badan Suxufiyiinta ku dhaawacantay Qaraxaasi waxay ka hawlgalaan Idaacadda iyo Telefishinka Qaranka.