WAR DEG DEG AH:- Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo lacag badan laga Xaday iyo Dowladda oo shaacisay

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaw shaacisay in lacag badan laga xaday Bangiga dhexe ee Dowladda.

Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa shaaciyay in lacag gaareysa Shan Boqol iyo Sodon kun oo dollar ah laga xaday Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan Baaritaano ku aadan cidii lacagtaasi Xaday iyo qaabkii lagu xaday.

Waxa uu sheegay in aysan ka hari doonin baaritaanka ilaa ay ka soo ogaadaan cida lacagtaasi Xaday iyo sidoo kale sababta keenta in Bangiga laga baxsado lacagta.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso Xilli dalka uu ku jiro Xaalad kala guur ah o ay Madaxda Dowladda u Sharaxan yihiin xilal kala duwan.

Maalmihii dambe ayaa waxaa Taagneyd hadal haynta ah in Lacag laga Xaday Bangiga dhexe, balse Maanta uu Guddoomiyuhu Qiray oo warkaasi sax noqday.