WAR DEG DEG AH: Madaxweynaha, R/wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Cambaareeyay Qaraxii Hotel SYL.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si wada jir ah u cambaareeyay qaraxii maanta ka dhacay inta u dhexeysa Ilinka Madaxtooyada Qaranka iyo Hotel SYL.

Madaxda Qaranka ayaa tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxii maanta, waxaana inta ku dhaawacantay ay Alle uga baryeen in uu bogsiiyo.

Madaxweynaha, Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyay ciidamada naftooda u haray difaaca shacabka iyo dadkii ka agdhawaa goobta uu falka ka dhacay.