WARKII UGU DAMBEEYAY ee Weerarka Qaraxa ka dhacay Agagaarka Madaxtooyada

0

Wararka inaga soo gaaraya agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow Qarax aad u culus lagu weeraray afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay.

Wararka ayaa sheegaya in Gaarigan oo noociisa weli aanan la ogaanin, balse aad u miineysnaa lagu dhuftay Koontaroolka Koowaad ee laga galo Madaxtooyada Somaliya, halkaasi oo ah meel wadada laamiga dhinaceeda saaran.

Qaraxa xoogiisa ayaa si weyn looga maqlay guud ahaan Degmooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana uu geystay Khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac iyo sidoo kale bur bur ah.

Waxaa sidoo kale bur bur xoogan soo gaaray Hotelka Siyaad iyo Hotelka SYL oo ka agdhaw Madaxtooyada Soomaaliya, islamarkaana ah goobta Qaraxa uu ka dhacay.