XASAASI:- Odayaasha Dhaqanka Dhuusamareeb oo Eedeeyay Ahlusunna

0

Kulan ay maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ku yeesheen Waxgaradka Beesha Reer Faarax Dhowrakace ayaa waxaa ay ku Eedeeyeen Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna.

Waxgaradka sheegay in Ahlusunna Waljamaaca ay iska horkeeneyso Odayaasha Dhaqanka Waxaa ay sheegeen in Nabadoonkooda uu yahay Axmed Nuur Xaashi Guutaale islamarkaana Macali C/llaahi Sheekh Maxamed uusan matalin.

Odayaasha Kulanka ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ayaa intaa ku daray in aysan u dul qaadan doonin iska horkeenka Ahlusunna ay ku hayso Beesha dhaxdeeda islamarkaana ay ka soo horjeedaan Ficiladaas.

Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna weli kama hadlin Eeda uga timid Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee ku nool Magaalada Dhuusamareeb.