Xiisad u dhaxeysa Ciidamada Dowladda oo ka taagan Magaalada Baardheere

0

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Magaalada ay maanta ka jirto Xiisad u dhexeyda Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya oo kala ah Boolis iyo Milatari.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Ciidan aad u badan oo ah Milatari ay buux dhaafiyeen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada Booliska ah ee Jooga Degmada ay iyana ku sugan yihiin Magaalada,waxaana dadku ay Cabsi ka qabaan in ay Ciidamadu isku dhacaan.

Goobhii Ganacsi ee Magaalada Maardheere ayaa Xiran.

Xalay Degmada waxaa lagu dhaawacay Guddoomiyihii Magaalada Baardheere iyo Saraakiil la socday ka dib Bam GHacmeed lagu Weeraray