XOG CUSUB:- Galmudug & Koonfur Galbeed oo bilaabay qorshe halis galinaya Doorashada iyo Daganaanshaha Soomaaliya

0

Hogaamiyaasha Galmudug & Koonfur Galbeed ayaa wada qorshe cusub oo halis galinaya doorashada iyo geedi socodka nabdeed ee xaaladda Soomaaliya, waxayna wadaan qorshe ay uga hortagayaan dhismaha Aqalka Sare ee dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Kulamo ay maalmihii ugu dambeeyey ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayay diirada ku saareen in shirka dhacaya 7 September ee madasha Wadatashigu yeelanayaan ay kusoo bandhigeen qorshahoodan cusub oo ah in gabi ahaanba la burburiyo Aqalka Sare oo aan hadda la dhisi karin.

Wararka ayaa sheegaya in labada Siyaasi ay xooga saarayaan sidii uusan ku dhismi laheyn Aqalka Sare, iyagoo ka soo horjeeda xubnaha dheeraadka ah ee ay heshay Puntland oo 18 sanno soo jirtay.

Qorshahan cusub ayaa taageero ka haysta dhinaca xubnaha Siyaasiinta ah ee ka soo jeeda Soomaaliland oo dhankooda gadaal ka riixaya, iyadoo warar cusubna ay sheegayaan in ay qeyb ka yihiin Siyaasiin kusugan magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland ayaa kal hore diidey in guud ahaanba meesha laga saaro Aqalka Sare, isla markaasna la dhiso sanadka 2020-ka oo aan hadda waxba laga gaarin, laakiin waxay sheegeen in ay waajib tahay in la dhiso Aqalka Sare.

Waqtiga hadda taagan oo ah mid yar awgeed halis badan ayaa la saadaalinayaa oo ku aadan dibu dhac hor leh oo kuyimaada Hanaanka doorashada Soomaaliya, maadaama ilaa hadda aan waxba lasoo xulin waqtiguna uu yahay mid aad isku guraya.

Haddii shirka Madasha Wadatashiga ee bisha September ka furmaya Muqdisho lagu soo qaado, waxaan shaki saarneyn in xaaladda Soomaaliya ay ku dambeyn doonto marxalad halis ah, maadaama waqtiga oo yar iyo doorashada oo aan sidii la rabey loo qabani ay keeni doonto burbur iyo fashil Siyaasaded oo baaxad weyn.

Mudadii loo qabtay in lagu soo xareeyo mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah mid dhaw, ilaa haddana meelaha qaarkood xataa lagama bilaabin shirarkii gaar-gaarka ahaa ee la xariirey arrimaha doorashada Soomaaliya & In Odayaasha la fahamsiiyo waxyaabaha looga baahan yahay dadka lasoo xulayo.