XOG: Maxaa looga hadli doona Wada hadalo dhexmaraya Galmudug & Puntland maanta?

0

Wada hadalo gaar ah ayaaa maanta dhexmaraya Odayaasha labada dhinac ee Galmudug & Puntland, waxaana si gaar ah looga wada hadlayaa Iska horimaad ka dhacay Xaafadda Garsoor iyo in ay Galmudug gabi ahaanba Maleeshiyadeeda hubeysan kala baxdo goobo kuyaala Xaafadda Garsoor.

Wada hadalkan oo shalay baaqday ayaan la ogeyn sida uu maantana u hirgalayo, iyadoo ay Shacabka Gaalkacyo mar kasta dhagaha ku hayaan waxyaabaha ka soo baxaya wada hadaladan.

Shalay Odayaasha Xaafadda Baraxley ayaa ka baaqsadey shirkan, ka dib markii sida ay sheegeen ay ka maqnaayeen Odayaal muhiim u ah socodsiinta Shirarkan.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa deganeyd maalmihii lasoo dhaafay, laakiin xiisada ka dhalatay dhulka lagu muransan yahay ayaa wali taagan, waxaana aan la aqoon waxa ka soo bixi doona shirka saaka furmaya.

Haddii uu baaqdo mar kale waxay uga sii daraysaa xaaladda taagan, iyadoo Puntland ay diidey gabi ahaanba in dhulkeeda taako kamid ah lagu soo xadgudubo oo aysan cidna raali uga noqon doonin arrintan.