XOG: Maxamed Ugaas Xaashi Oo Kismaayo Tagaya Iyo Xasan Sheekh Oo Wada Dhex-dhexaadinta Axmed Madoobe Iyo Maxamed Ugaas Xaashi…

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena sida aadka ah ugu dhaw Villa Somalia, Maxamed Ugaas Xaashi Iyo Axmed Madoobe ayaa waxa ay sheegayaan in Xasan Sheekh Maxamuud uu dhex dhexaadin ka dhex wado Maxamed Ugaas Xaashi iyo Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Xasan Sheekh Maxamuud uu wado dhex dhexaadin u dhaxeysa Maxamed Ugaas Xaashi iyo Axmed Madoobe lana filayo in dhawaan ay soo gabagaboowdo Maxamed Ugaas Xaashina uu ka dago magaalada Kismaayo.

Maxamed Ugaas Xaashi ayaa iminka ku sugan magaalada Muqdisho oo sida la sheegay uu uga qaybgalayo Siminaar soconaya hal usbuuc kaas oo ay bar bar socdaan dhex dhexaadinta isaga iyo Axmed Madoobe.

Dhawaan ayaa lagu wadaa inuu Maxamed Ugaas Xaashi iyo xubno la socda inay gaaraan magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale Ma ay ahan markii ugu horeysay oo la dhex dhexaadiyo Maxamed Ugaas Xaashi iyo Axmed Madoobe balse horey ayaa loo dhex dhexaadiyay islamarkaana uu Maxamed Ugaas Xaashi ka dagay magaalada Kismaayo, waloow markii dambe uu isga soo haluulay magaaladaasi isagoo Warbaahinta ka sheegay in magaaladaas uu ka socdo Xasuuq lala beegsanayo beel kamid ah beelaha daga Jubbooyinka.

Isku soo wada duuboo waxaan dhoowrnaba waa safarka Maxamed Ugaas Xaashi uu ku tagayo Magalaada Kismaayo iyo natiijada kama dambeysta ah ee kasoo baxda safarkiisa iyo heshiiska isaga iyo Axmed Madoobe.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media