XOG RASMI AH:- Maamulka Puntland oo Ciidankii ugu badnaa geeyay Xadka uu la Wadaago Galmudug

0

Maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ciidankii ugu badnaa keenay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaasi oo laga baqanayo inay ka dhacaan dagaallo u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland.

Ciidamadan ayaa intooda badan laga keenay magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, waxaana loogu talogalay inay duulaan ku qaadaan maamulka Galmudug.

Waxaa jirtay maalmahan dambe muran xagga dhulka ah oo ka dhex jiray Labadan maamul, iyadoo weli ay sii ifeysay colaaddii horay uga dhacday Gaalkacyo.

Inta badan shacabka Puntland ka jooga Gaalkacyo waa ay barakaceen, waxaana laga baqayaa hadda in dagaallo cusub ay ka billowdaan magaalada Gaalkacyo.

Wixii Warar ah ee soo kordha la soco….