XOG XASAASI AH: Maxaad Kala socotaa Baaritaanada Qaraxyadii Argagixiso ee Gaalkacyo ka dhacay?

0

Warar Hoose oo laga helayo laamaha Amniga ee dawladda Puntland ayaa sheegaya in ilaa hadda lasoo qabtay shaqsiyaad badan oo lagu tuhmayo in ay wax ka ogaayeen qaraxyadii lagu xasuuqay Shacabka Soomaaliyeed Suuqa Xero Dayax ee magaalada Gaalkacyo 21 August 2016, kuwaas oo baaris culus lagu hayo.

Wararka ayaa xaqiijinaya in ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee Puntland ay heleen Shabakad isku xiran oo Argagixiso ah, kuwaas oo la burburiyey haddana lagu hayo baaristii ugu dambeysay.

Xog la helay ayaa sheegeysa in lasoo qabtay mid kamid ah ragga sida weyn loogu tuhunsanaa in uu lug ku lahaa qaraxan, kaas oo laga soo qabtay xaduudaha Galmudug & Puntland ee magaalada Gaalkacyo.

Sirdoonka Puntland & DANAB waxay si wadajir ah baadi goob ugu hayaan mid kamid ah raggii ka dambeeyey dilalkii, qaraxyadii iyo weerarada bahalnimo ee marar badan laga fuliyey magaalada Gaalkacyo, kaas oo magaciisa lagu sheegay Nuur Deeq.

Nuur Deeq ayay gurigiisa u dhaceen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dawladda Puntland, waxayna kasoo heleen gaarigii u adeegsan jiray daabulka maleeshiyada iyo qaraxyada, Hubka fudud iyo qoraalo muujinaya waxyaabaha ay damacsan yihiin Argagixisadu.

Ninkan ayaa gurigiisu ku yaala Koonfurta magaaalada Gaalkacyo, waxaana sidaas oo kale la hayaa oo baaris lagu hayaa mid kamid ah Saaxiibadiisii ay wada shaqeyn jireen oo hadda sugaya Cadaaladda in la horkeeno, una dhashay dalka Suudaan.

Xog kale ayaa sheegaysa in baaris la sameeyey lagu ogaaday in mid kamid ah dhagar-qabayaashii isku qarxiyey Suuqa Xero Dayax ee magaalada Gaalkacyo uu haystay dhalashada mid kamid ah wadamada deriska la ah Soomaaliya, inkastoo wali baaristu socoto.

Saraakiil kamid ah ciidamada baaristan ku howlan oo diidey adeegsiga magaciisa ayaa sheegay in ay xog dhab ah ka hayaan Argagixisada dhagaraha ay abaabulayaan oo ay dhabarka ka jabin doonaan falalka ay wadaan ee ka soo horjeeda Nolosha, Amniga iyo Horumarka guud ee Mandiqada.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa amar ku bixiyey in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ay yeeshaan baaritaanada iyo Ogaanshaha dhagaraha ay wadaan kooxaha Argagixisada, waxaana ciidamadaas ay yihiin kuwa si gaar ah u qalabeysan, inta badana xogaha ay hayaan si rasmi ah ugu guuleysta.