XOG XASAASI AH:- Xaggee lagu diyaariyey Baabuurtii lagu qarxiyey magaalada Gaalkacyo?

0

Tan iyo wixii ka dambeeyey markii 21 August 2016 ay qaraxyo waa weyn ka dhaceen magaalada Gaalkacyo, Waxaa si gaar ah diirada loogu hayey halka lagu diyaariyey gaadiidkan iyo Aqoonsashada cidii ka dambeysay, gaar ahaana kuwii ka dambeeyey ee fuliyey ama Is qarxiyey.

Laamaha Sirdoonka oo horeyba shaki weyn oo dhanka amaanka ah u qabay ayaa bilaabay sii labo jibaarida xogaha ay hayeen, waxayna la kaashadeen cid kasta oo ka caawin kartay.

Dad badan ayaa lasoo qabtay, inkastoo tuhunka ugu badan hadda lagu soo koobay shaqsiyaad meelo kala duwan laga soo qabtay, kuwaas oo iyana ay kiisaskooda gacanta ku hayaan ciidamada Dambi baarista iyo La dagaalanka Argagixisada.

Warar hoose oo ilaa hadda laga helayo laamaha Sirdoonka ayaa sheegaya in baabuurtan lagu soo diyaariyey Geerash kuyaala Koonfurta magaalada Gaalkacyo, gaar ahaana goob la aqoonsaday, iyadoo xoguhu ay marba marka ka dambeysa soo baxayaan.

Sidaas oo kale ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa galay labadii habeen lasoo dhaafay aagag la tuhmayey, isla markaasna wali lama soo bandhigin wax ka soo baxaya baaritaankan.

Xogaha Hoose waxay sheegayaan in sidaas oo kale la yaqaano gurigii la dhigay ka hor intii aysan kooxda weerarka fulisey soo kaxeysan, sidaas oo kalena dabagal ayaa lagu hayaa shaqsiyaad magacyadooda la hayo oo dhacdadan qeyb ka ahaa.

Mid kamid ah xubnaha golaha Xukuumada ayaa sheegay in ay og yihiin halka laga soo abaabulay weerarkan, oo ay hadda wadaan baaristii u dambeysay lana soo bandhigi doono xaqiiqada ku saleysan weerarkan, ayna si dhaw ula socdaan dhaqdhaqaaq kasta oo amaan darro ayna dhabarka ka jabin doonaan.

Kulamo adag oo dhanka amaanka ah ayaa dhexmaray xalay Madaxweyne kuxigeenka ahna Kusimaha M/weynaha iyo Saraakiisha Sirdoonka oo ay ka wada hadleen arrimaha ku saleysan baaritaankan, oo hadda meel xasaasi ah fooda galiyey.

Galmudug dhawaan dhankeeda waxaa laga soo qabtay Ninkii abaabuli jirey diyaarina jiray Qaraxyada iyo Ismiidaaminta, laakiin waxaa baxsaday oo wali baadi-goob loogu jiraa Nuur Deeq oo ahaa Madaxii Dilalka iyo Qaraxyada Al- Shabaab ee gobalka Mudug oo wali ay ku raad-joogaan ciidamada DANAB & PSF-ta ee Puntland.

Puntland waxay dagaal kula jirtaa Shabakado isku xiran oo dhamaantood ka soo horjeeda Amniga iyo daganaanshaha gobalka, iyadoo dadweynuhu ay Isha ku hayaan sida ay dawladdu jawaab uga bixiso Xasuuqii loo geystay Ganacsato & Hooyooyin Soomaaliyeed magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland Ahna Kusimaha Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqey markii uu tagey Gaalkacyo in ay cadaaladda wajihi doonaan cid kasta oo lug ku yeelata weeraradii Argagixiso, isagoo sheegay in ay awoodoodu hadda kusoo aruurtay oo kaliya leynta iyo gumaadka Ummadda Soomaaliyeed.