XOG: Xasan Sheekh iyo Sharmaarke oo isku qabsaday dhaqaale laga soo qaaday Bankiga (Cadadka)

0

Wararka aan ka heleyno dhanka Wasiirada ayaa sheegaya in muran Siyaasadeed uu ka dhex dhashay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid.

Muranka ayaa la sheegay inuu ka dhashay lacag la sheegay in Madaxweynaha dalka uu kala soo baxay Bankiga Dhexe, taa oo cadadkeeda lagu sheegay 5Milyan oo dollarka mareykanka ah.

Lacagtaasi uu Xassan Sheekh kala soo baxay Bankiga ayaa waxaa la sheegay inuu ka carooday Ra’isul wasaaraha kadib markii horay looga hor istaagay inuu lacag kala baxo Bankiga taasi oo kamadax-banaan dhaqaalihiisa.

Lacagtaani ayaa sidoo kale la sheegay in Cumar C/rashiid uu isu dayay inuu qeyb ka qaato, waxaana arrintaasi ka hor imaaday Madaxeyne Xassan oo isaga ku andacooday inuu ku maareynaayo baahi gaar ah oo iminka jirta.

Diidmada Xassan Sheekh ayaa soo dadajisay in Sharmaarke uu gadoodo, waxaana iminka arrintaasi faragalin ku sameeyay mas’uuliyiin uu kmaid yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Sharmaarke ayaa ku loolamaaya ku tagrifalka Hantida Qaran, waxaana la sheegayaa in Madaxweynaha uu bixinta dhaqaalahaasi u xilsaaray shaqsiyaad isaga u qaabilsan amnigiisa.

Tani ayaa waxa ay muujineysaa in musuq-maasuq baahsan uu ka dhexjiro Madaxtooyada Somalia, kuwaasi oo ka faa’iideysanaaya wakhtiga gabaabsiga ka ah.