AKHRISO:- Golaha Wasiirada oo war kasoo saaray duqeyntii Mareykanka ee Gaalkacyo.

0

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow war ka soo saaray duqeyntii Mareykanka uu ku beegsaday Ciidamada Maamulka Galmudug, iyadoo walaac looga muujiyay sheegashada Puntland ee ku aadan duqeynta ka dhacday duleedka Gaalkacyo.

War qoraal ah oo ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Maxamed Cumar Carteh ayaa lagu sheegay go’aan gole oo ku saabsan asnixinta war-muritiyeedka duqeyntii marekabka u geystay Ciidamada iyo shacabka Galmudug, sida lagu yiri qoraalka.

Go’aanka ansixinta war murtiyeedka ansixinta Golaha Wasiirada ee ku saabsan duqeynta Mareykanka ayaa cod buuxa Golaha Wasiirada ku ansxiyeen, iyaddoo Guddi wasiiro ah loo saaray arrintan si ay baaritaano ugu sameeyaan.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa ka dalbaday Mareykanka inay sharaxaad waafi ah ka bixiyaan duqeyntaas iyo sida weerarkaas ula socodsiiyay hey’adaha amniga Soomaaliya.

Waxaa kaloo Golaha Wasiirada ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay duqeyntaas shacabkii iyo ciidamada Galmudug, sida lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ka soo baxay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa loogu baaqay Maamulada Galmudug iyo Puntland inay xiisada dejiyaan.

Si kastaba ha ahaatee qoraalkan ka soo baxay Golaha Wasiirada, kuna saxiixnaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa ku soo aaday, iyadoo Mareykanka uu sheegay in duqeynta uu ka fuliyay duleedka Gaalkacyo uu ku bartilmaameedsaday Koox ka tirsan Al-Shabaab.

wasiirada wasiirada1