Al-Shabaab oo weerar Madaafiic ah ku qaaday deegaan ka tirsan Hiiraan

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay xalay ku gaaraceen madaafiic xoogan oo sababtay dhimasho iyo sidoo kale Dhaawac.

Madaafiicdaan ayaa Shabaabka waxa ay ku garaaceen Saldhiga Ciidanka dowladda Itoobiya ay kuleeyihiin deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah dadka kunool Deegaanka Halgan ayaa u sheegay idaacadda Risaala in Dhowr madfac ay ku dhaceen Saldhiga ciidanka Itoobiya iyo sidoo kale goobo kale oo ku yaalla deegaanka Halgan.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay Madaafiicda kasoo tuureen duleedka deegaanka Halgan.

Ciidanka dowladda Itoobiya ayaa Maanta dhaqdhaaq ciidan ka wada deegaanka Halgan ,waxaana ay baarayaan qaar ka mid ah xaafada ku yaalla deegaanka Halgan.