Aqalka sare ee Brazil oo u codeeyay xil ka qaadista Dilma Rousseff

0

Aqalka sare ee Brazil ayaa u codeey si buuxda in xilka laga qaado madaxweyne Dilma Rousseff markii uu dhamaado dacwada loo haysto.

Lixdan iyo kow xildhibaan oo ka mid ah siddeetan iyo kow xildhibaanada aqalka sare ayaa Ms Rousseff ku helay danbi inay jabisay sharciga, ka dib markii ay badashay miisaaniyada laba sano ka hor si ay u qariso lacagta miisaaniyada oo yar.

Madaxweyne ku xigeenkeeda, Michel Temer oo xilka hayay tan iyo bishii May, ayaa la filayaa in xilka lo dhaariyo maanta.

Waxaa loo haystaa inay qarisay sida uu u xun yahay dhaqaalaha waddanka, ka dib markii ay wax ka badashay miisaaniyada.

Ms Rousseff, oo ah madaxweynihii ugu horeeyay oo dumar ah ee dalka Brazil waxay sheegtay in dacwada ay tahay inqilaab ay samaynayaan siyaasiyiinta garabka midig.