BAAQ:-Gacan ka xaqdaran baa dishay marxuumka waa lagu daalay ee toloow xal rasmi ah ha la helo.

0

Bulshada degmada Caabudwaaq iyo degaanada waa ku daaleen dilalka xaqdarada iyo in maalin walbo la yiraahdo qof aan waxba galabsan “Gacan ka xaqdarran baa dishay marxuumka”.

Dilalka xaqdaradda ah degaanadaasi aad bay ugu soo bateen bilooyinkii ugu dambeeyey, waxayna sumcad xumo ku tahay shacabka degaanadaasi ku sugan iyo kuwa qurbo joogta oo degaanadaasi ka soo jeeda.

Indheergaradka degaanka iyo guurtitooda waxaa looga baahan yahay in badbaadiyaan shacabkooda oo la yimaadaan xeerar adag la isku waafaqsan yahay oo lagu fuliyo qofkii dambe fal dambiyeed nooc walba ah ka geysta degaanka oo isku si meel looga jeesto.

Ugu dambeyn waxaan leeyahay amaanka iyo nabadda waa furaha nabadda iyo horumarka, qof walba oo degaanka ah waa waajib saaran inay gacan ka geystaan xasiloonada iyo horumarka degaanka.

Wa bilaahi towfiiq.

W/Q: Bashir Nur Hassan Looyan, Ph.D.